Faah Faahin:- Gabdho Walaalo Ahaa Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad isku qoys ahaa oo lagu dilay agagaarka Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Caasimada Gobolka Mudug.

Goobjooge ku sugan magaalo madaxda gobalka mudug oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in bartama gudaha magaalada lagu dilay laba haween oo la sheegay in hal qoys ay ka wada tirsanaayeen.

Labada ruux ee dumarka walaalaha ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Nadiifo Tumey iyo Safiyo Abdi oo kasoo jeeday hal qoys, sido kale dilka labadaasi ruux ayaa yimid kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen, iyaga oo marayay bartama suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya xaalada iminka iney tahay mid degan oo aysan jirin wax shaqaaqa ah oo ka dhashay dilka 2- gabdhood ee ka wada tirsanaa hal reer oo ku dhaqan Gaalkacyo.

Maamulka magaalada Gaalkacyo oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa ka gaabsaday iney inooga war bixiyaan sida wax ay u dhaceen, iyo sababta ka danbeysa dilka labadaasi haween.

Waxii Kusoo Kordha Waan Idinla Wadaagi Doonaa WWW.simbanews.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*