Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeeyay Saldhiga dagaalyahanadda Al-shabaab ay ku laaheeyeen deegaan hoos yimaada Magaalada kismaayo ee Gobolka jubbada Hoose.
Duqeyntaan waxa ay dhacday xiligii maqribkiii waxayna diyaaradaha bartilmaameedsadeen Saldhig dagaalyahanada Al-shabaab ay ku lahayeen Degaanka beerxaani ee Gobolka jubbada hoose ee koonfurta dalka Soomaliya.
Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka general Ismaciil Saxardiid ayaa warbaahinta u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku lahayeen Degaanka Beer Xaani ee Gobolka Jubada Hoose.
Sidoo kale general Saxardiid ayaa xaqiijiyay Duqeynta xiliga ay dhacaysay ay saldhiga uu shir ugu socday Saraakiisha Xarakadda Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose.
“Duqeynta oo xalay maqribkii ka dhacay deegaanka Beer-xaani ee gobolka Jubada Hoose,waxaa lagu dilay 15-shabaab ahaa,iyo sarkaalkii dagaalyahanadda Al-shabaab u qaabilsanaa zaka waadka ee Degaanka Beer-xaani”,ayuu yiri General ismaciil Saxardiid Taliyaha Qeybta 43 Aad ee CIidanka Xoogga dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeyntii xalay ka dhacday deegaanka Beer-xaani ee Gobolka Jubada Hoose, ay amartay dowladda Soomaaliya, islamarkaana Mareykanka uu faah-faahin ka bixin doono duqeyntaas saacadaha soo socda.