Faah-faahin:-Diyaaradd Ku Burburtay Garoonka Muqdisho+Sawirro

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ku burburtay   diyaarad ay laheyd shirkadda Bancroft ee qaabilsan howlaha la talinta Amniga iyo tababarada Ciidamada AMISOM.

Diyaaradda ayaa la sheegay in lugahii ay ku degan laheed ay u bixi wayeen, islamarkaana  taasi ay keentay in ay burburto.

Afar qof oo diyaarada saarnaa oo Saraakiil ah  ayaa ka booday diyaarada, kaddib markii diyaarada ay sameysay degitaan halis,Saraakiil ka Tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Saraakiil ka tirsan Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa sheegay in diyaarada ay markii hore soo gudbisay farriin deg deg ah, kaddib markii ay lugaha u bixi waayeen, islamarkaana shidaalka uu gabaabsi ka ahaa.

Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageerta dhinacyada tababarka, la talinta amniga, iyadoo shirkaddan ay leedahay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ee ka qeyb qaata howlaha sugida amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*