Faah-faahin:-Dagaalyahano Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya deegaanka Buurdhoobo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlagal qorshaysnaa ay ku dileen 7 ka tirsanaa Al-shabaab oo labo Sarkaal ay aheeyeen.

Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen Ciidamadda huwanta islamarkaana ragga la dilay ay ahayeen Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan dagaalyahano kale oo ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo ku sugan deegaano ka Tirsan Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Ma jiro ilo ka madax banaan oo xaqiijinta karta sheegashada maamulka degmada Buurdhuubo ee khaarijinta dagaalyahanadda ka Tirsanaa Al-shaabab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*