Faah-faahin:-Dagaal Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo+Sawirro

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo saakay ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa ku dagaallamay bogcado la isku khilaafay oo ku yaalla dhul bannaan oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xaafadda Garsoor gaar ahaan agagaarka Xabsiga Magaaladda Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa ku dhimatay,6-kalana way ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay Magaaladda.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Col. Cismaan Xassan Cowke (Afdalow) ayaa sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo laamaha amniga oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada Gaalkacyo ay ku guulaysteen in la joojiyo dagaalka kadib markii ay kala dhex galeen malayshiyaaadkii dagaallamay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.