Faah-faahin:-Cumar Xasan Ganey oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida wararkeena hore aan idin kugu soo gudbinay, kooxo hubeysnaa ayaa inta u dhaxaysa Masaajidka Shiikh Cali Suufi iyo Suuqa Qudaarta qeybta Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen nin odey ahaa oo xiligaas halkaas marayay.

Sida naloo xaqiijiyay ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Ganey,wuxuuna kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowlada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*