Faah-faahin:-Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Afgooye

Wararka saaka laga helayo dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tibaaxaya in xalay dagmada ay markale ku dagaalameen daglamayaal ka Tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowlada ee ka howlgala dagmada Afgooye ee Gobolkaas.

Degmada Afgooye ayaa waxaa weerar ku qaaday ciidamada Al-shabaab, wararka waxa ay tilmaamayaan in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro dhimisho iyo dhaawac.

Sidoo kale warar hoose oo Simba  ay heshay ayaa sheegaya in dagaalamayaashii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ay la wareegeen gaadiid dagaal sida dad goob-jagaal ah ay inuu xaqiijiyeen.

Isniintii shalay isla gobolka waxaa ku dagaalamay  ciidamada dawladda Soomaaliya  kuwa Amisom oo garab ah iyo dagaalamayaal katirsan Alshabaab kadib markii ciidamdaasi huwanta ahaa ay  weerar ku qaadeen degaanno ay ku  sugnaayeen Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo dhinaca galbeeed ka xiga degmada Afgooye.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*