Faah-faahin;-Ciidamadda Amniga oo Muqdisho Ku Dilay Shabaab Dhaawacay Askari

Kooxo hubeysan ayaa isgoyska bakaaraha ku weeraray askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ku dhex jira saxmad.

Kooxdan hubeysan ayaa askariga u geystay dhaawac waxaana xilligaas kadib rasaas is weydaarsaday askariga dhaawaca ah iyo kooxdii weerarka kusoo qaaday.

Sida ay inoo sheegay qof goob jooge ah rasaastaas waxa ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah oo ka ag dhawaa goobta.

Hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyooday israsaaseynta halka uu nin sarif le ah uu isna dhaawac soo gaaray sida uu inoo xaqiijiyey goob joogahan.

Dhanka kale qoraal uu soo saaray Taliska Ciidamada police-ka Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay isgoyska bakaaraha ku toogteen nin dhaawac u geestay askari ka tirsan ciidamada police-ka somalia.

Saraakiisha ciidamada police ka ayaa sheegay in ninkan la toogtay uu ka tirsanaa Al Shabab isla markaana uu la socday nin kale oo baxsaday.

Qoraalka kasoo baxay police ka ayaa lagu sheegau in ninka baxsaday uu watay mooto u fududeysay inuu baxsado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.