Faah-faahin:-Ciidamada Puntland oo Qarax Lagula Eegtay Buuraha Galgala

Wararka ka imaanaya buuraha Galgala  ee Koonfurta magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in qarax miino Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Puntland in halkaas lagula eegtay.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu beegsaday baabuur ay ciidankaasi la socdeen, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah, balse waxaan la ogeyn qasaaraha dhimasho in kan dhaawac ee soo gaaray Ciidamada maamulka Puntland.

Hawlgallo milatari oo sannadkii hore ee 2015-kii ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa goobo ka mid ah buurakayda Galgala looga qabsaday kooxda Daacish-ta Soomaliya oo uu hogaamiye wadaadka haysta dhalashada ingiriiska ee Shiikh C/qaadir Cali muumin.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhinaca kale ciidamada Puntland ay kusii siqayaan magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*