Faah-faahin;-Al-shabaab oo Weerar Cuslaa Ku Qaaday Magaaladda Marka

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday saldhigyadda Ciidamadda Dowladda ee Magaaladda Marka,waxaaana kadib bilowday weerar fool ka fool ah.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka magaaladda Marka,waxaa magaalada Cabsi galiyay hubka culus ay isdhaafsanayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shaabab.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan xalay ka dhacay magaaladda marka ee gobolka Shabeelaha hoose oo bilooyin ka hor ay la wareegeen Ciidamadda Dowladda iyo kuwa midowga Afrika AMISOM.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*