Faah-faahin:-Al-shabaab oo Qarax Ku Dilay Cabdi Xasan (Biya Quute)

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa maanta ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Qaraxaan ayaa waxaa lala eegtay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Al-shabaab,waxaa qaraxaan lagu dilay Cabdi Xasan (Biya Quute) oo mar soo noqday gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur ee gobolka galgaduud haatana kamid ahaa Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya.

Dhanka kale ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay Cabdi Xasan (Biya Quute) oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya,iyo sidoo kale Ciidamo ka tirsanaa Kuwa Dowladda Soomaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*