Faah-faahin:-Al-Shabaab oo Qarax Ka Fuliyay Gobolka bari ee Puntland

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland lagula eegtay Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland.

Qaraxaan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Balli Khadar, waxaana lala eegtay gaari Cabdibile ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland.

Waxaa la xaqiijiyay in khasaare uu ka dhashay qaraxaan,balse aan la ogaan karin.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay warbaahintooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*