Faah-faahin:-Afar Ruux oo Lagu Dilay Koofurta Magaaladda Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in deegaanka Bulacle oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb lagu dilay afar ruux.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, kooxo hubeysnaa ayaa dilay dadkaan oo shaqaale ka ahaa Goob Shinida lagu dhaqdo

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka la dilay aysan ka Tirsaneyn beelo mudooyinkii dambe ku dagaalamay deegaanka falka uu ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Deeganka oo loogu hadlayo dilkaan ka dhacay Deegaanka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.