Faah-faahin:-30-ruux oo Ku Dhimatay Dagaalka Gobolka Shabeelaha Dhexe

Waxaa saakay dagan xaaladda deegaanka Burdheere ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo shalay ay ku dagaalameen Labo maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya lahaanshaha dhul,waxaana shalay oo dhan deegaanka ka socday dagaal u dhaxeeyay Labadda dhinac.

Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Inta la xaqiijiyay 30-qof ayaa ku dhimatay oo u badan dhinacyadii dagaalamay,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 50-kale.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Burdheere ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne  ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dagaalada soo cusboonaaday iyo dhiigga walaalaha wada dhashay ee daadanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.