Faah-faahin:-3-ruux oo Lagu Dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in xalay deegaankaas lagu dilay 3-ruux oo shacab ahaa, laba kalana la dhaawacay.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dadka la dilay oo gaarayay 3-ruux ay saarnaayeen gaari kuwa Raaxadda ah,islamarkaana kooxo hubeysnaa ay rasaas ku fureen goobtana ay ka baxsadeen.

Waxa uu sheegay in goobta uu falka ka dhacay ay ka ak dhawaayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Maas’uuliyiin ka Tirsan maamulka ceelasha Biyaha oo ay la xiriirtay idaacadda Simba ee muqdisho ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan falka lagu dilay 3-da ruux.

Deegaanka ceelasha biyaha ee Duleedka magaaladda muqdisho waxaa dhowr jeer oo hore lagu dilay dad shacab ahaa oo la socday gawaari kuwa raaxadda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.