Duulimaadyadii Rayidka ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Hakad Ku Jira

Waxaa saakay dhaqan galay amarkii dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ee Xukuumadda Soomaliya ee ku adanaa in la hakin doono dhaqdhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho maalinta arbacada ah sababo la xiriira caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho ee Aadan Cadde waxaa saakay kaliyah isticaamalaya dyaaro gaar ah oo keenaya Madax ka Tirsan Dowladdaha dariska, iyo madax kale kuwaasi oo ka qeyb galaya xafladda caleema-saarka.

Gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho ee Aadan Cadde waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya kuwaasi oo soo dhaweynaya xubnaha soo gaaraya garoonka si ay ugu qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha Somaliya.

Sidoo kale Garoonka waxaa ku sugan Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo sugaya amaanka.

Waa markii Labaad ee bishaan Gudaheeda la xiro Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,kadib markii 8-dii bishaan loo xiray sababo la xiriira doorashadii Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*