Ducaysane:-“C/wali Gaas Waxa uu Iga Bixin Waayay Kiradii iyo Korontada Xafiiskayga”,+Dhageyso

Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada garoowe e Caasimada Maamulkaas ayaa ka hadlay sida uu arko xil ka qaadistii uu xalay ku sameeyay madaxweynaha maamulkaas Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Cabdirasaaq, Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland ayaa sheegay inuu Somalia iyo Puntland u keenay mashruucii ugu qiimaha badnaa oo ahaa kii lagula dagaallamay Bur-cadda taasoo uu xusay inay laga dhaxlay faa’iidooyin badan, intuu uu xilka hayay Madaxweynihii Geeriyooday ee Cadde Muuse Xirsi jeneraal Cadde.

Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa eedayn kala duwan u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland c/wali Gaas oo ku dhaliilay inuu ka gaabiyay shaqada xafiiskiisa hadii ay ahaan lahayd kharashaadkii uu ku shaqayn lahaa, kiradii iyo korontada intabada, wuxuun taas badalkeeda xusay inuu xafiis ka dhigtay gurigiisa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane in Gaas uu ka gaabiyay talo soo jeedin ku aadan in magaca xafiiskan la badalo maadama ay dhammaatay burcaddii, islamarkaana hadda ay jiraan falal kale oo la xiriira amniga badda iyo jariifka.

Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane, ayaa sidoo kale Sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha, maadaama sida uu hadalka u dhigay Dastuurku uusan qabin in Madaxweynaha oo maqan xilka ka qaadis sameeyo isagoo uu joogo ku-xigeenkiisa oo shaqadaas looga baahnaa.

Xalay ayay aheyd markii madaxweynaha maamulkaas Dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu xafiiskiisa kasoo saaray warqad uu ku cadeynayo in uu xilkii ka qaaday Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*