spot_img

Dowladda Talyaaniga Oo Malayiin Yuuro Ugu Deeqday Soomaaliya

Dowlada Talyaaniga ayaa todobaadkan waxaa ay dowlada Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 2.4 million oo lacagta Euro ga ah si wax loogu wax dhibaatoyinka ka taagan guud ahaan dalka.

Mr. Carlo Campanile, oo ah safiirka talyaaniga u fadhiya soomaaliya iyo sidoo kale reysul wasaare ku xigeenka soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed guuleed iyadoona dhinaca kale agaasimaha isku xiraha horumarinta barnaamij yada uqaabilsan qaramada midoobey  Mr. George Conway kuwaa oo kulan ku yeeshay magaalada muqdisho isla markaana lagu go’aamiyay in lacagtaasi wax badan ay ka qaban karto arimo fara badan oo ay kamid yihiin in shaqo abuur ay dowlada u sameyso dhalinta kunool soomaaliya iyo arimaha dhaqaalaha dalka isagoona sheegay in dowlada talyaaniga ay markasto diyaar la tahay garab istaagida xukuumada soomaaliya.

Dhnica kale kulankaasi kadib waxaa goobta gudbad dheer kajeediyay resul wasaare kuxigeenka soomaaliya mahdi maxamed guuleed qadar ayaa ugu mahad celiyay dowlada Talyaaniga isagoona carabaabay in lacagtaasi ay kumaal galin doonaan dhanka warshadaha, shaqo abuur in loo sameeyo dhalin yarada, cadaalada, iyo sidoo kale hormarinta goobaha muhiimka ah ee wadanka ayu yiri mahdi maxamed guuleed oo ah Raisal wasaare ku xigeenka Soomaliya.

Ugu dambeyn safiirka talyaaniga ufadhiya Soomaaliya ayaa dhanka kale ugu bishaareeyay dowlada soomaaliya in sanadaha soo aadan ay dowlada talyaaniga sii laba jibaari doonto sidii wax loogu qaban lahaa arimaha dhaqaalaha iyo dhanka warshadaha isagoona sheegay in dowlada talyaaniga dhawaan ay qor sheenayaan 3.3 million oo lacagta Euro ga ah ay uqoon deeyeen dalalka kuyaala bariga Africa si loo hormariyo sarana loogu qaado dhanka calaada iyo arimo kale.

Related Post

Wararka