Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Duqeyn Lagu Dilay Xubno Shabaab ah

War ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 6-dii bishan  Koonfurta Soomaaliya,waxaana Alshabaab ka soo gaaray khasaare xooggan.

Qoraal kooban oo soo gaaray idaacadda Simba ayaa lagu yiri.

”ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Koonfur Galbeed,Soomaaliya,waxaana laga fuliyay duqeyn xagga cirka ah,oo lagu beegsanayay Alshabaab.

Lix ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka howlgalkan ku tilmaamtay mid loogaga hortagayaya Alshabaab kuwaas oo qorsheynayay in ay soo maleegaan falal argagixisanimo ah,iyo cabsi gelinta bulshada deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda taageeraya waxaa ka go’an sii wadista beegsiga argagixisada Alshabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.