Dowladda Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Lamid Ah kuwa Dowladdaha Caalamka +Daawo Sawirro

Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliya.

Muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen
Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Xafladdii lagu soo xirayay tababarkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.

Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.

Taliyaha Ciidanka Dalka Jabuuti, ayaa isaguna bogaadin u  jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/gaaas ,Bashiir Cabdi Maxamed , dedaalka iyo hiigsiga uu ku doonayo inuu Booliska Soomaaliyeed gaaro meel sare.

Daaawo sawirro Laga Soo Qaaday Ciidamadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*