Dowladda oo War Kasoo Saartay 5 Maalin Kadib 69 Qof Oo Al shabaab Gacanta U Galay

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Shan maalin kadib odayaaal Gaaraya ilaaa 70 oo Xoogaga Al shabaaab ka wateen deegaanka Gal-qoryaale oo hoos yimaada Degmda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Hogaaanka Ciidamada dowladda ee gobalka Galgaduud ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Al-Shabaab maalmo ka hor ka ka xeysteen deegaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Maxamed Cartan, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in dagaalyahanada Al-Shabaab gacantooda looga soo saaro Dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale.

Maalmahii ugu danbeeyay waxaa socday dadaalo lagu doonayo Al shabaab in lagu qanciyo iney iska soo daayaan 69  qof ee u badan odayaal gacantooda galay, kadib markii ay ka war heleen is qab qabsiga labada qabiil la doonayay in lagu xaliyo xeer hoosaad.

Bilowgii bishaan ayey aheyd kadib markii hogaanka Al shabaab ee gobalka Galgaduud u dacwoodeen beel  kamid ah beelaha dega gobalka oo ay isku mari waayeen beeel kale aano qabiil oo dhax taalay labada qabiil oo markii danbe Al shabaab loo gudbiyay Dacwada sababtay in la xir xiro 70 Qof oo odayaal u Badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*