Dowladda oo Magdhow Ka Bixiyay Shacabkii Lagu Laayay Dagaalkii Haanta Dheer

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lacago magdhow ah u qeybisay qoysaska dad shacab ah oo lagu laayay  dagaalkii todobaadkaan ay ciidamada NISA ku qaadeen xaafadda Haanta Dheer ee degmada Hodan.

Taliyaha CXDS Gen. Jimcaale Cirid ayaa lacag diyo magdhaw ah u qeybiyay ilaa toddobo qoys oo ay kaga dhinteen.

Taliyaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay aad kaga xun tahay dagaalkii dhawaan ka dhacay Xaafadda haanta Dheer Degmada hodan ee Magaaladda Muqdisho, islamarkaana baaritaano la wado cidii ay ku cadaato arintaas talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa Todobaadkaan ka dhacay haanta Dheer Degmada hodan ee Magaaladda Muqdisho waxaana dagaalkaas ku dhintay 3-qof halka ay ku dhaawacmeen 8-qof oo shacab u badnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*