Dowladda Oo Ka Hadashay Khasaaraha Qaraxii Galabta Ka Dhacey Muqdisho+Sawirro

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakia Xuseen Axmed ayaa faah-faahin ka bixisey Qaraxii galabta  ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho kaasi oo sababey qasaaro kale duwan.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in gaariga qarxa loo adeegsaday uu ahaa Toyota Harrier, islamarkaana la hordhigay dhismo u dhow isgoyska dabka ee Magaaladda Muqdisho, kadibna uu qarxay, waxaana ay sheegtay inay ku dhinteen Afar qof oo Shacab ahaa halka 5-ruux oo  kale ay ku dhaawacmeen.

“Gaari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ayaa qarxay, Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah, Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo” ayey tiri Gen. Zakia

Al-shabaab ayaa sheegtay inay Fuliyeen Qaraxyo labo ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ayna sheegeen inay ku dileen Xubno Dowladda Soomaaliya  ka tirsan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.