Dowladda Kenya oo Ku Eedeysay Fahad Yaasiin in uu Basaas Yahay!!!

Wargeyska Dailynation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalkaasi ay baaritaan kuhayaan qaabkii uu kuhelay dhalashada dalkaasi masuul katirsan hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Fahad Yassin, oo 40 sano jir ah isla markaana ah gudoomiye kuxigeenka hay’ada sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa basaas intii uu kusugnaa gudaha dalka Kenya iyadoona illaa iyo haatan aan lacadeyn dalkii uu basaaska u ahaa.

Gordon Kihalangwa, oo ah masuul katirsan waaxda socdaalka Kenya ayaa amar kubixiyay in lakansalo kibandhaha iyo Baasaboorka kenyanka ah oo uu isticmaalo Fahad yaasiin gudoomiye kuxigeenka hay’ada sirdoonka soomaaliya.

Fahad Yaasiin oo madax ka ahaa  Talafishinka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qadar isla markaana ah hantiile laguna xanto in ay si aad ah isugu dhow yihiin madaxweynaha Somaliya maxamed Cabdullahi Farmajo laguna xasuusto doorkii uu dowlada Somaliya kaga dhaadhiciyay in ay dhax dhaxaad kanoqoto eedeymihii dalalka  qaliijka ay usoo jeediyeen xukuumada Doha taa oo lagu eedeeyay in ay maal galin xoogan ay siiso ururo argagaxiso.

Dhinaca kale Mr Samson Mwathethe, gudoomiyaha ciidamada difaaca Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Fahad yasin in uu xariiro kala duwan laleeyahay hay’adaha sirdoonka dalal kuyaala geeska Africa isla markaana ay kaga shakisan yihiin in uu dusiyay xoggo sirdoon oo ay laheyd dowlada Kenya.

Mr Phillip Kameru madaxa sirdoonka Kenya ayaa ugu dambeyntii ku nuux nuuxsaday in gudoomiye kuxigeenka sirdoonka Somaliya Fahad Yasin uu ahaa wariye isla markaana wax aqoon ah uusan ulaheyn arimaha sirdoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*