Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Xariga Col Gabre

­Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xariga Col. Gebregziabher Alemseged oo Soomaalida ay u taqaan  Col Gabre.

Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya Abdi Nuur Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si diiran usoo dhaweynayso xariga Dowladda Ethopia ee Gabre.

Waxa uu sheegay in Gabre uu muddo sanado ah dhibaatooyin ku hayay Umadda Soomaaliyeed,balse tan iyo Dowladda Farmaajo laga waayay saxaadda siyaasadda Soomaaliya.

“Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay.  Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika” ayuu ku yiri qoraalkiisa Agaasime Cabdinuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*