Madaxweynaha Galmudug Iyo Ku Xigeenkiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka Madaxa Xukuumada Galmudug

Dowladda Dhexe oo Lagu Eedeeyay Khilaafka Madaxda Galmudug+Dhageyso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin toos ah ku hayso Arrimaha Maamulka Galmudug.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada Galmudug Maxamuud Guure Guulled  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in ay faragelin toos ah ay ku hayso khilaafka ka dhex jira madaxda Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in dowladda gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha qoraalkii ay soo saartay uu ka dhexmuuqday inaanu jirin heshiis ay gaareen Ahlu-sunna iyo Galmudug waa sida uu hadalka u dhigee.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha looga baahnaa in haddi ay wax xalineyso ay tagto magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Ma jirto wax xal ah oo laga gaaray khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug, waxaana ay kala joogaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Dhanka kale waxaa Magaaladda Muqdisho ka socda kulamo lagu xalinaayo khilaafka ka dhex-jira.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*