Doorashadda Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka oo Ka Dhacaysa Dhuusa-mareeb

Magaaladda Dhuuso-mareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda kursi  ka banaan Golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 19-kii bishii hore iska casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud.

Doorashadaan ayaa waxaa ku tartami doona musharixiinta kala ah Xiireey Muxudiin Cumar iyo General C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyihii Hore ee Ciidamadda Hay’adddaNabadd Sugidda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaaladaas.

Amaanka magaaladda Dhuusa-mareeb ee Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Magaaladdda ku sugan inta badan ergooyinka doorashadda kursigaan.

Dhanka kale gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in ay shalay bilaabeen hubinta Ergooyinka doorashadda, islamarkaana doorashada maanta ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay.

Dad badan ayaa aaminsan in General C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyihii Hore ee Ciidamadda Hay’adddaNabadd Sugidda Soomaaliya uu ku guuleysan doono doorashadda kursigaan,islamarkaana uu walaakiisa u baneeyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*