Digniin Loo Diray Shirkadaha Diyaaradaha Garoonka Adan Cadde (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka,Duulista iyo Hawada Soomaaliya  ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhamMeystirneyn ay ka shaqao gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu sheegay inuu ku saleysan yahay kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada  oo ay wehliyaan maareeyeyaasha ay ku tageen  Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee muqdisho.

’’maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ Ayuu yiri Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan Howlgalin Karin.

’’laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’’ Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo Edmaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*