Digniin Loo Diray Dadka Car Qaladeynaya Shirka Dib Galmudug+Dhageyso

Waxgaradka Galmudug ee ku sugan Magaaladda  Dhuusamareeb ayaa bilaabay soo dhawaynta ergada ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta beelaha mamulka galmudug.

Waxgaradka oo warbaahinta dhuusamareeb kula hadlay ayaa sheegay inay bilaabatay saddex maalmood oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 14 bisha ayna ku egtahay 16bishan oo jimcaha ku beegan.

Waxaa kale oo waxgaradku ka digeen in la siyaasadeeyo shirka dib u heshiisiinta galmudug oo beeluhu isugu imaanayaan.

Baaq ayay u direen ergooyinka beelaha ee deeganada kale ku sugan, waxayna ku booriyeen inay ku yimaadaan saddexdaas malmood, si shirka dib u heshiisiinta uu u furmo sabtida soo socda oo taariikhdu ku beegantahay 17 bisha.

17 bishan ayaa loo asteeyay inuu dhusamareeb ka furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha galmudug, in kasta oo wali ay ka maqanyihiin ergooyinkiin ka qayb gali lahaa shirkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.