Dib u Dhac Ku Yimid Kulan ay Yeelan Lahayeen Xildhibaanada Baarlamaanka

Waxaa dib u dhac uu ku yimid goordhaweyd Kulan aan caadi aheyn oo Xildhibaanada Baarlamaanka saaka ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kaddib markii tiradii loo baahnaa ee uu kooramka ku furmi lahaa la waayay.

Kulankan oo ka dhici lahaa Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqisho ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa oo goor sii horeysay lagu wargeliyay bahda saxaafada in aanay goob joog ka noqoneyn.

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa Kulankooda maanta waxaa loogu hadli lahaa sida ay inoo xaqiijiyeen Xildhibaano ka Tirsan baarlamanka Soomaliya xaalada dalka uu haatan ku sugan yahay, sida siyaasada, arrimaha u dhaxeeya baarlamaanka iyo kala tabasho dhexdooda.

Sidoo kale Xildhibaanada iyo Guddoonka baarlamanka Soomaliya ayaa la filayay in dood kulul ka yeeshaan fara gelinta maalmahan soo baxeysay ee Guddoonka ku hayay arrimaha dhismaha xukuumadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*