Dhageyso:-XFS Oo Sheegtay In Amniga Dalka Uu Soo Hagaagayo

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay amniga dalka gaar ahaan amniga caasimada waxuune sheegay in uu meel wanaagsan uu maraayo ciidamada amaankuna ay qabteen howl wanaaagsan oo mudan in lagu bogadiyo.

R/waasre Kheyre ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyada xukuumadiisu ay u leedahay amniga islamarkaasne ay ka go’antahay sidii ay wax kaga qaban lahaayeen sidii dalka oo dhan amni buux u noqon lahaa isagoo sheegay in amni la’aantiis wax hirgalaayo aynan jirin.

waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday kobaca dhaqaalaha dowladda kagasoo xaroodo canshuurta oo nuu ku tilmaamay in hormar ay tahay waxuuna sheegay in dowladda ay gaari doonto xili ay isku filantaay marba hadii buu yiri canshuurta si fiican usoo aruureyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*