Dhageyso:-Werar Askar iyo Dad Shacab ah lagu dilay Oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya deegaaano dhaca duleedka Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Sacaadahihii la soo dhafay ay ka dhaceen  weeraro lagu dilay dad shacab ah iyo Ciidamo ka tirsan Mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Degaanka Daynuunaay iyo inta udhaxeysa magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay dhowr weerar kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhawac.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dad shacab ah ayaa waxyeelo isugu jirta Dhimasho iyo dhaawac waxaaa ka soo gaartay Weeraro gaadma ah oo ka dhacay deeganka Daynuunaay oo duledka ka ah Magaalada Baydhabo.

Maleeshiyaad hubaysan ayaa la sheegay in Nin Xoola dhaqata ah inay ku dileyn duleedka deegnka Daynuunaay,Ciidamo ka tirsan kuwa  Koonfur Galbeed oo  ku baxay  halka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa jidka ugalay Maleeshiyaadka iyadoona halkaasi oo ka dhacay dagaal kooban.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay halka uu midkale ku dhaawacmay dagaalka udhaxeeyay Maleeshiyaadka iyo Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Maaalmihii la soo dhafay ayaa waxaa degmooyin iyo deegaano ka tiran Gobolka Bay ka dhacayay dilal la sheegay inay ahaayen aanooyin qabiil,waxaana ka hadlay Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xassan Maxamed (Laftagareen),waxuuna xalinta arinkaasi uxilsaray guddi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaasi.

120106_006

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.