Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Arrin Baraha Bulshada Aad Looga Hadal Haayey

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaayo aya waxa uu ka hadlay arrin dhawaanahaan baraha bulshada aad looga hadal haayey oo ah in madaxweynahu go’aansaday in uu sawirkiisa halkuu kaga dhagnaa xafiiskiisa uu ku badalo sawirkii ALLAHA u naxariistee madaxweynahii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan.

Madaxweyne Farmaayo ayaa sheegay in uu kaga gol lahaa kolkuu sawirkiisa ku badalaayey sawirkii Aadan Cadde in marwaliba uu soo xasuusto taariikhda dimuqoraadiyada Soomaaliya ay leedahay oo uu u horseeday madaxweyne Aadan Cabduule Cusmaan.

waxuu sheegay in uu ahaa madaxweynahii ugu horeeyay ee si nabdoon xilka kaga daga guud ahaan qaarada Afrika, taasina ay dhalisay buu yiri in uu yahay qof soomalida ku weyn maadaama uu inooga tagay xasuus nagula ixtiraamo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*