Dhageyso:-Madaxda DFS Oo Ka Qeyb Galaaya Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulamo gaar ah la qaatay masuuliyiinta ugu sareyso dalka oo uu kamid yihiin madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in ay kasoo qeyb galaan caleema saarka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Cismaan Maxamed Cali (cismaan dheere) oo kamid ah wafdiga uu hogaaminaayo madaxweyne xaaf oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay arrimo sidoo kale quseeya awood qeybsiga maamul gobaleedyada dalka ka jira in la simo.

ugu dembeyntiina kulankaasi ayaa waxaa lagu lafa guray amniga guud ahaan dalka iyo kaalinta Galmudug sidii loo adkeyn lahaa, iyadoo dowladu dhawaan soo saartay qorshaha amaanka qaranka.

maalmaha inasoo aadan ayaa waxaa la filaayaa in caleema saarka madaxweynaha Galmudug uu ka dhaco magaalada Cadaado oo ah xarunta ku meel gaar ah ee maamulkaasi, waxaana rajeynaayaa in ay kasoo qeyb galaan madaxda ugu sareyso dalka iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*