Dhageyso:-Maamulka Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Ay Hirgelinaayaan Amarka Wasaarada Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu isku Diyaarinayo Hir-galinta Imtixaamka Heerka Qaran ee Dugsiyada Sare oo Dowlada Soomaalida ay qaadayso.

Wasiirka ayaa Sheeagy in ay la Shaqeyn Doonan Wasaarada Waxbarashada Qaadida Imtimaaxka Guud Dugsiyada Sare ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Goobaha ay Maamusho Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa Sanadkii Sadexaad Qaadaysay Imtixaamka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare Maamul Gobaleedyada Galmudug,Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland waxaan Wali ka Maqan Deegaanada Puntland iyo Soomaaliland oo Siyaasad ahaan taagan inaysan ka tirsanayn Nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*