DHAGEYSO: Jawaari “Baarlaamanada Maamul Goboledyada Shuruucda la ansixinaayo waa lagala tashanayaa”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in Baarlamaanada Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan laga talo gelinaayo shuruucda ay ansixinayaan Xildhibaanada Dhexe ee dalka.

Ku Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay Baarlamaanka Dowladda dhexe inuu yahay mid Federal ah, islamarkaana muhiim ay tahay in Baarlamaanada Maamul Goboledyada laga qaybgaliyo Shuruucda la ansixinaayo.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay Baarlamaanada dhalan doono, sida Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, Baarlamaanka uu yeelanaayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inuu caawin doono Baarlamaanka Somaliya.

Wadatashiyo lala yeesho baarlamaanada Maamul Goboledyada ayuu sheegay Guddoomiye Jawaari inay muhiim ka dhigayso in la helo tallooyin haboon.

Qaar ka mid ah maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa horay ugu dhaliilay Baarlamaanka Somaliya inaan lagala tashan shuruucda Baarlamaanka ay ansixiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*