Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta u Taagan Guddoonka Aqalka Sare oo Bilowday

Xarunta Xubnaha aqalka Sare ee dalka  oo ku taala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa Goordhow ka bilowday  dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta  u taagan Xilka Gudoomiyaha aqalka Sare iyo ku-xigeenadiisa.

33-xubnood oo ka Tirsan Xubnaha aqalka Sare ee dalka ayaa kulanka ku sugan, waxaa sidoo kale la filayaa in isla goobta in lagu dhaariyo 3-xubin oo dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya

Ku dhawaad 16 Musharax oo ka tirsan Xubnaha aqalka Sare ayaa  lagu wadaa in ay jeediyaan Khudbadahooda Musharaxnimo ee Tartanka Guddoonka Aqalka Sare ee dalka, waxaa ku jira xubnaha dad siyaasadda aad loogu yaqaano.

Lix iyo Tobanka Musharax ee u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

22-ka bisha oo ku beegan maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in in ay dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa, waa sida ay shaaciyeen guddiga qaban-qaabada doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*