DFS oo Xaqiijisay in La Dilay Ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn shalay galinkii dambe ka dhacday deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban ee Maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya iyo qof la socday.

Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay hogaamiyaha ay fuliyeen diyaaradaha Dowladda Mareykanka ee duuliyaha laheyn islamarkaana uusan khasaare soo gaarin dadka shacabka oo ku nool deegaanka Xiriira.

“Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamadda Qaranka iyo saaxiibadooda maraykanka ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Daacish,howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban,howlgalka oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Shabaab iyo Daacish laguna badbaadinayo Shacabka.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibadooda Caalamiga ah waxeey u taaganyihiin in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku nastaan Cadawgu.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish oo ku sugan meelo badan oo kamid ah Goboladda Soomaaliya.

Dhanka kale Maamul Goboleedka Puntland  oo ka hadlay duqeynta ayaa sheegay in lagu dilay Cabdixakiin Dhoqobeed, oo ahaa Ku-xigeenkii Hogaamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.