DFS oo Sheegtay in Saraakiil Al-Shabaab ahaa oo Lagu Dilay Shabeelaha Dhexe

Waxaa saakay dagan Xaaladda Deegaanka Basra Degmadda balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Shalay ay ku dagaalameen Ciidamadda mareykanka, kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Al-shabaab.

Ciidamadda huwanta ah ayaa weeraray Saldhigyo Al-shabaab ee ku lahaayeen deegaankaas,waxayna saraakiisha Ciidamadda Dowladda ay sheegeen in lagu burbiyay howlgalka Saldhigyo Shabaab ay ku sugnaayeen

Sidoo kale sarakiisha ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay Horjoogayaal iyo ciidamo ka Tirsanaa Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 27-aad general Maxamuud Macalin koronto oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay si wadajir ah ugu qeyb qaadanayeen ciidamo kumaandoos ah iyo ciidamada mareykanka oo watay diyaarado dagaal.

General-ka waxa uu tilmaamay in howlgalka ay ciidamada ku bur buriyeen saldhigyo iyo xarumo Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Basro,islamarkaana lagu dulay sarakiil iyo ciidamo Shabaab ahaa oo gaarayay 40-askari.

Saraakiisha weerarkaan lagu dilay ayaa kala ah Macalin Abuubakar duurow ,Nuur Zubeyr,

Nuur Zubeyr ayaa Xarakada Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka howlgalada isagoona kamid ahaa xubnaha ugu sareeyo Xarakadda Al-shabaab

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*