DFS oo Lagu Eedeeyey in Aysan Dhex dhaxad Ka Aheyn Arrimaha Jubba-land+Dhageyso

Xili la filayo in deeganaada Maamulka Jubbaland ka dhacdo doorashada madaxweynaha Maamulkaas ayaa waxaa la qorsheynayaa in xildhibaanadda cusub ee hada la dhaariyey ay doortaan madaxweynaha cusub ee hogaamindoona Maamulka.

C/raxmaan sahal yuusuf oo kamid ah siyaasiyiinta falanqeeya arimaha siyaasada dalka oo la hadlay barnaamijka bartilmaameedka simba ayaa sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha doorahsada Jubbaland isagoo sheegay in DFS ay gacan saar la leedahay golaha isbedel doonka reer Jubbaland.

C/raxmaan yuusuf oo sii hadlayay ayaa sheegay in golaha isbedel doonka ah qudhooda ay is khilaafsanyihiin isla mar ahaantaasna waxa uu sheegay ineysan la shaqeynin guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.