DFS oo Laga Dalbaday Inaysan Faragelin Ku Sameynin Doorashada JL+Dhageyso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dalbaday in aysan faragalin ku sameynin doorashadda Jubbaland ka dhacaysa.

Nabadoon Idiris Shiikh Maxamed oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqisho ayaa ka digay rabshado ka dhaca Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose,si lamid ah tii Magaaladda baydhabo ka dhacday.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay tanasul,islamarkaana Madaxda haatan joogta looga baahan yahay in aysan dumin waxihii ay soo qabteen.

Dhanka kale Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ka dalbaday ay qaab wanaagsan ku wajahnaa arinta doorashadda Jubbland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqasho ku tagay Magaaladda kismaayo,wuxuuna kulamo la qaatay madaxda Jubbland iyo qeybha bulshadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa  sheegay in safarkii uu ku tegay Kismaayo uu ahaa mid guul ku dhamaaday lana dhamayn doono khilaafkii ka dhex jirey labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaafkii kala dhexeeyay Dowlada Federalka uuna dhowaan booqan doono magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.