War Deg Deg: Wasiirkii gaashandhigga Soomaaliya oo is casilay

Wararka hadda naga soo gaarayo shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho ka socdo ayaa sheegayo inuu is casilay Wasiirkii gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa kusoo bandhigay Shirka hadda u socdo Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa soo gudbiyey Waraaq is casilaad ah, waxaana arrintaas ka aqbalay Golaha Wasiirada iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Is Casilaadaan ayaan weli wax faahfaahin ah laga heyn sababaha keenay.

Waxaa isna maanta xilkiisa Iska Casilay Taliyihii Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cirfiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*