DEG DEG: Taliye Cumar Dheere Iyo Abaandule Cabdi Jamaame Oo Goordhaw Ku Dhintay.. Sawirro

War goordhaw Simba Soo gaaray ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay saraakiil Sar Sare oo katirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Kolonyo katirsan ciidamada Dowladda ayaa Qarax miino lagula eegtay wadada xeebta gaar ahaan Nawaaxiga deegaanka Dhanaane oo koofurta kaga beegan magaalada Muqdisho.

Gen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga Soomaaliya iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame ayaa kamid ah Saraakiisha ku dhintay qaraxa miino ee ka dhacay gobalka Sh/hoose.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay jiraan ciidamo kale oo la dhintay qaraxa oo gaaraya ilaa 7 Askari.

Meydadka Saraakiisha iyo ciidamada ayaa goordhaw losoo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.

Wali majirto cid sheegatay Masuuliyada Qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*