DEG DEG: Qiic Iyo Qaraxyo Xoogan Oo Laga Maqlay Xerada Ugu Weyn Ciidamada Itoopiya Ee Koofurta Soomaaliya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab qabsaday Xero ciidamada Itoopiya ay ku leeyihiin gudaha magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sarkaal katirsan ciidamada daraawiista Koofur galbeed ayaa Simba u xaqiijiyay in dab xoogan uu qabsaday Xero weyn oo ciidamada Miliraryga Itoopiya ay ku leeyihiin Gudaha Baydhabo, waxuu sido kale sarkaalka sheegay in maamulka degmada iyo ciidamada Itoopiya ay ku howlan yihii Baqtiijinta dabkaasi.

Goobjooge la hadlay Simba ayaa sido kale sheegay in xerada dhaxdeeda laga maqlayo qaraxyo Xoogan oo ka dhashay qalabka Military ee dhax yaal xerada ciidamada Itoopiya ee Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qiiq xoogan laga arkayo xerada dhaxdeeda, balse lama xaqiijin karo ilaa hada waxa sababay dabkaasi iyo khasaaraha soo gaaray ciidamada Itoopiya.

Waxii Kusoo Kordha Goordhaw Kala Soco

Barta Rasmiga Faceboook: Radio Simba

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*