DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo In Ka Badan 5 Ruux Oo Lagu Toogtay

Faaah faahino hor dhac ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM oo marayay gudaha degmada hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in kolonyo katirsan AMISOM oo marayay gudaha Suuqa Xoolaha degmada hiliwaa qarax xoogan lala eegtay, qaraxa kadib ayuu goobjoogaha inuu xaqiijiyay in ciidanka AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad rayid ahaa.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidanka AMISOM ay shacab halkaasi ka ag dhawaa ku fureen rasaas sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay dad rayid ahaa oo goobta ka ag dhawaa.

Inta la xaqiijiyay hordha dhimashada dadka shacabka ah ayaa gaareysa in ka badan 5 ruux oo rayid ahaa, kuwaa oo ku sugnaa suuq ku yaal xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada hiliwaa gobalka Banaadir.

Xiriiro kala duwan oo Radio Simba uu la sameeyay maamulka degmada Hiliwaa ayaa suura galin.

Dhanka kale wali goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku sugan ciidanka AMISOM oo ridaya rasaas goos goos ah oo ay ku diidayaan in dadka shacabka ah goobta rasaasta iyo qaraxyada ka dhaceen ay tagaan.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Warka Duhur Idaacada Simba Ee Soo Gala 1:00 Duhurnimo Dhanka Magaalada Muqdisho Ama Ka Dhageyso 1:30 Kadib www.simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*