DEG DEG: Qarax Lagu Dilay Xildhibaan Cabdiwali Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu Xiray gaari uu saarnaa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Ruux kale.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Cabdiwali maxamed Maxamuud oo ah xildhibaan katirsanaa Hirshabeelle, waxaa kale oo dhaawacmay laba qof oo mid lasocday Xildhibaan Qaraxa gaariga loogu xiray halka midka kale uu ahaa qof shacab ah.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta oo halkaasi ka qaaday meydka Xildhibaan Cabdiwali.

Wali Majirto cid sheegatay masuuliyda Qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*