DEG DEG: Ciidamo Weeraray Saldhig Al Shabab Oo Hal Al Askari Uusan Ka Bad Baadin

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo ka dhacay tuuladda Hareer-tuur ee u dhaxeysa degmada Balad-Xaawo  iyo deegaanka tuulo Barwaaqo ee gobalka Gedo.

Ciidamo ku heyb ah Nabadoon lagu dilay Gedo ayaa weerar ku qaaday tuuladda Hareer-tuur oo ay ku sugan yihiin Xoogag katirsan Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo sababay in dhamaan Ciidamadii weerarka qaaday lagu dilay Nawaaxiga Tuulada.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ciidamada weerarka qaaday ay gaarayeen ilaa 10 askari oo ku heyb ah Nabadoon dhawaan Al shabaab ay ku gowraceen degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.

goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay xaalada iney tahay mid kacsan, oo hareeraha degmada in lagu arkayo ciidamo fara badan oo katirsan kuwa daraawiishta Jubbaland.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al shabaab oo ku aadan weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay duleedka degmada Balad-xaawo ee Gedo.

Waxii Kusoo Kordha Goordhaw Kala Soco

Barta Rasmiga Facebook: Radio Simba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*