DEG DEG: Kooxo Hubeysan Oo Daqiiqado Ka Hor Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhaw lagu dilay inta u dhaxeysa Masjidka Xareed iyo Agagaarka Maana taajir wadada koowaad Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Toogtay mid kamid ahaa saddexda ruux oo mid uu ku labisan yahay dareeska ciidamada dowladd Soomaaliya.

Kooxahan hubeysan iyo ciidamada Booliska ayaa shaki soo kala dhax galay, kaa oo markii danbe sababay 3-da ruux mid kamid ah in la dilo mid uu baxsado iyo midkii ku labisnaa dareeska ciidanka oo la qabtay.

lama xaqiijin ilaa hada waxa ay ahaayeen saddexda ruux ee ciidamada Booliska weerarka ku qaadeen, inkastoo wararka qaar ay sheegayan iney ahaayeen tuugo dooneysay dhac iney geysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*