DEG DEG: Jug Xoogan Oo Laga maqlay Magaalada Qardho Iyo Khasaare Ka Dhashay

Warar kala duwan ayaaa kasoo baxaya Jug Xoogan oo laga maqlay Xaafadaha Kala duwan ee Magaalada Qardho Xarunta gobolka Karkaar ee Puntland.

Goobgooge Ku Sugan Magaalada Ayaa Simba u sheegay in laga maqlay magaalada Juq Xoogan oo ka dhax dhacday goob lagu dhax farsameeyo gadiidka oo garaaash ah, balse uusan cadeyn karin Qaraxa ka dhax dhacay meesha waxa sababay.

Inta la xaqiijiyay hordhaca wararka laga helayo Magaalada Qardho ayaa sheegaya dhaawaca 7 ruux oo goobta ku sugnaa, inkastoo tirada rasmiga ee ku dhimatay ama ku dhaawacmay aan la sheegi karin, balse goobta waxaa gaaray gadiidka Gargaarka deg dega.

Waxii kusoo kordha Waan idinla Socod Siin Doonaa

Kala Soco Barta Facebook/  ⏩ Radio Simba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*