War Deg Deg: Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd Xaafadda Xamar Bille ee Degmada Warta-nabadda waxa ay ku toogteen qof shacab ahaa.

Shaqsiga dilka loo gaystay waxaa Magaciisa lagu sheegay Axmed Qoorey waana nin caan ka ahaa Xaafada sida qaar kamid dadka deegaanku ay u xaqiijiyeen idaacadda Simba.

Ruuxa dilka gaystay ayaa la sheegayaa in ay ahayd Haweeney ku Labisan Dharka Ciidanka Booliska Dowladda Soomaliya FederaalkaSoomaaliyeed waxayna ka baxsatay Goobta kadib toogashada.

Mudooyinkii dambe Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa ka dhacayay dilalka ay geystaan ragga hubeysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*